Warbixin:- Cayaarta kama dambaysta koobka adduunka 2018

Croatia iyo France

Maanta oo Axad ah indhaha mucaashaqiinta kubbada cagta adduunka ayaa ku sii jeeda magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaas oo ay ka dhici doono cayaarta kama dambaysta koobka adduunka 2018.

Cayaarta kama dambaysta koobka adduunka ee snadkan 2018, waxaa isku wajihi doona Xulalka qaramada Faransiiska iyo Kurawaatiya oo ka soo haray 32 dal ee tartanku u bilowday, waxaana hubaal ah in dal ka tirsan qaarada Yurub uu markii afraad oo xiriir ah ku guuleysan doono dhacdad ugu weyn kubbada cagta adduunka.

Faransiisku ma aha markii ugu horeysay ee uu soo gaaro cayaarta kama dambaysta koobka adduunka ama uu qaado, wuxuu ku guuleystay sanadkii 1998, halka looga guuleystay 2006, laakiin Kurawaatiya waa markii ugu horeysay ee ay timaado cayaarta kama dambays ah koobka adduunka.

Faransiiska ayaa guul soo laabasho ah ka gaaray Kurawaatiya markii uu 2-1 ku garaacay rubuc dhamaadkii koobka adduunka ee sanadkii 1998 oo uu ku guuleystay, sidoo kale Faransiiska ayaa guul daro la’aan kala kulmay Kurawaatiya shan kulan oo ay horey uwada cayaareen.

Faransiisku waa dalkii lixaad ee gaara cayaarta kama dambaysta koobka adduunka seddax jeer ama wax ka badan, kadib Jarmalka oo siddeed gaaray, Barasiil oo todoba gaartay, Talyaaniga oo lix gaaray, Arjentiin oo shan gaartay iyo Holland oo seddax gaartay.

Xulka Kurawaatiya ayaa hal talaabo u jira in ay taariikh layaab leh u sameeyaan dalkooda oo xaalado dagaal iyo burbur soo maray, waxayna doona yaan markooda in ay ka aarsadaan Faransiiska oo guuldaro baday rubuc dhamaadkii koobka aďduunka sanadkii 1998.

Cayaartan kama dambaysta waxaa dhexdhexaadin doona garsooraha reer Arjentiin ee Nestor Pitana, waxaana caawin doona Hernan Maidana iyo Juan Belatti oo labaduba u dhashay Arjentiin, halka garsooraha 4 aad uu noqonaya Bjorn Kuipers oo u dhashay Holland

Laacibiinta labada xul ayaa qaarkood khibrad u leeyihiin tartamada kama dambaysta, waxaana kamid ah hagaamiyaha Xulka Kurawaatiya Luka Modric iyo sidoo kale laacibiinta Faransiiska ee Paul Pogba iyo Antoine Griezmann, lama saadaalin karo xulka ku guuleysan kara koobka aduunka ee 2018.

Taariikhda koobka adduunka

Koobka kubadda cagta ee adduunka ee maanta lagu soo gabagabeyn doono dalka Ruushka waa kii 21-aad tan iyo markii ay cayaarahan bilowdeen sanadkii 1930-kii, waxaana cayaara kooxo rag ah oo ka kooban dalalka xubnaha ka ah xiriirka kubbadda cagta ee adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo FIFA,

Dhacdada koobka adduunka ayaa la qabtaa afartii sanaba mar tan iyo sanadkii 1930-kii, balse wuxuu hakad ku yimid sanadihii 1942 iyo 1946 markaa oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka.

Dalalka martigaliyay koobka adduunka 1930-2018-ka.

Uruguay -1930
Italy -1934
France – 1938
Brazil – 1950
Switzerland -1954
Sweden – 1958
Chile – 1962
England – 1966
Mexico -1970
West Germany -1974
Argentina -1978
Spain-1982
Mexico- 1986
Italy – 1990
USA -1994
France- 1998
South Korea iyo japan –-2002
Germany – 2006
South Africa-2010

Brazil – 2014

Russia -2018 martegeliyaasha sanadkan.

Sida loogu kala guuleystay Koobka adduunka.

1930: Uruguay
1934: Italy
1938: Italy
1950: Uruguay
1954: West Germany
1958: Brazil
1962: Brazil
1966: England
1970: Brazil
1974: West Germany
1978: Argentina
1982: Italy
1986: Argentina
1990: Germany
1994: Brazil
1998: France
2002: Brazil
2006: Italy

2010: Spain

2014: Germany

2018- France and Croatia midkoob baa ku guuleysan doona.

PUNTLAND POST