Faransiiska oo 20 sano kadib ku guuleystay koobka adduunka

Faransiiska oo ku guuleystay koobka adduunka 2018

Xaflad lagu soo xirayay dhacdada ugu weyn kubbada cagta adduunka ee sanadkan 2018 ayaa maanta ka dhacday magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Faransiiska ayaa 20 sano kadib markii labaad taariikhda ku guuleystay dhacdada ugu weyn kubbada cagta adduunka, kadib markii uu 4-2 ugu awood sheegtay Kurawaatiya oo markii ugu horeysay timi cayaar kama dambays ah koobka adduunka.

Goolkii ugu horeeyay ee Faransiiska

Cayaarta oo ahayd mid xiiso babnayd waxaa goolka furitaanka la hormaray daqiiqadii 18-aad ee qeybtii hore Faransiiska, kadib markii laad la soo tuuray ay ku dhacday weeraryahanka Kurawaatiya Mario Mandzukic, balse Kurawaatiya ayaa goolka barbaraha la timid toban daqiiqo kadib, balse toban daqiiqo oo kale kadib waxaa lagu helay gool kulaad uu gool u badalay Antoine Griezmann, waxayna cayaartu qeybtii hore lagu kala nastay 2-1 uu Faransiisku hogaanka ku hayo.

Pogba

Markii leysku soo laabtay Faransiiska ayaa ku bilowday dardar wuxuuna qadiiqadihii 59 iyo 65 la yimi labo gool oo ay u kala dhaliyeen Paul Pogba iyo Kylian Mbappe.

Kylian Mbappe

Kurawaatiya oo xaaladu ku xumaatay ayaa goolkeeda labaad la timi daqiiqadii 69-aad isku dayo kale oo ay seeyeena ma awoodin in ay goolal kale dhashadaan.

Cayaarta ayaa ugu dambayn ku soo dhamaatay 4-2 oo guul lama ilaawaan ah uu ku gaaray Faransiiska oo ku guuleystay koobka adduunka ee sanadkan 2018.

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa xulka Faransiiska gudoon siiyay koobka adduunka ee 2018, waxaana goob joog ka ahaa madaxweynaha Faransiiska iyo ra’iisul wasaaraha Kurawaatiya, laacibkii ugu fiicnaa tartankan ayaa la siiyay hogaamiyaha xulka Faransiiska Luka Modric, halka gool dhilyaha la siiyay Harry Kane oo Ingiriiska u cayaarayay, sidoo kale Kylian Mbappe oo Faransiis ah ayaa la siiyay abaalmarinta laacibkii ugu da’da yaraa tartankan.

Kylian Mbappe oo dhukanaya koobka adduunka

Dalka Faransiiska waxaa ka socda dabaaldegyo waaweyn oo lagu taageerayo ku guuleysiga koobka adduunka ee sanadkan 2018.

Dabaaldegyada Faransiiska

Koobka adduunka ee kan xiga ayaa sanadka 2022 lagu qaban doonaa dal yaraha Qadar oo horey ugu guuleystay martigalintiisa.

PUNTLAND POST