Odayaal kasoo kicitimay Somaliland oo soo gaaray Garowe

Odayaal waxgarada oo kasoo kicitimay Somaliland ayaa soo gaaray magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland, waxayna warar soo baxaaya sheegayaan inay odayaashaasi Garowe u yimaadeen sidii wada hadal nabadeed looga geli lahaa xiisada colaadeed ee ka aloosan Gobalka Sool.

Waxgaradkan oo isugu jira odayaal dhaqameedyo, ganacsato iyo siyaasiyiin ayaa durbaba Garowe ka bilaabay kulamo ay la qaadanayaan waxgaradka reer Puntland oo ay ugu horeeyaan isimadu.

Sida ay xaqiijinayaan warar ay helayso PUNTLAND POST waxay odayaashani magaalada Garowe kula kulmeen qaar kamida isimada Puntland oo ay kamid yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Saciid Maxamed Garaase.

Inkastoo ay horay u guul daraysteen isku dayo kala duwan oo ay wadeen beesha caalamka, wadamada deriska iyo qaar kamida culimada labada deegaan oo lagu baajinaayey dhiig mar kale ku daata gobalka Sool, hadana lama oga waxa isku-dayga odayaashani kaga bedelaan doono kuwii hore, wuxuuse imaanshahoodu Puntland kusoo adayaa xili si aada looga cabsi qabo inuu mar kale dagaal ka qarxo deegaanada la isku hor fadhiyo.

PUNTLAND POST