Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Gaaray Jowhar

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa Goordhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe oo Xarun u ah Maamulka Hir Shabeelle.

Gudoomiye Mursal ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay madaxda maamulka Hir Shabelle kuwaasi oo wafdiga gudoomiyaha garoonka kaga hortagay wafdiga gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha ayaa maanta furaya kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Hir Shabelle.

Amaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa magaaladaasi ciidamo badan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post