Qaramada Midoobay iyo Imaaraadka Carabta oo ka hadlay sidii Somalia looga caawin….


Muqdisho (PP) ─
Danjiraha Xukuumadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u jooga Somalia, Maxamed Axmed Al-Cuthmaan ayaa kulan qaas ah la qaatay ergayga QM ee Somalia, Michael Keating, sida lagu sheegay war ay baahisay Wakaallada Wararka Imaaraadka ee WAM.

Al-Cuthmaan iyo Keating oo kulankoodu ka dhacay dhismaha safaraadda ay Imaaraadka ku leedahay Muqdisho ayay kaga haldeen xiriirka u dheexeeya Imaaraadka iyo xafiiska QM ugu qaabilsan Somalia ee UNSOM iyo qaabka ay labada dhinac uga wada-shaqeyn karaan taageerida amniga, horumarinta iyo Deganaanshaha Soomaaliya.

Safiirka Imaaraadka ee Somalia, Maxamed Axmed Al-Cuthmaan iyo ergayga QM ee Somalia, Michael Keating ayaa waxay kulankoodaan ku lafa-gureen xaalladad Somalia iyo dadaalka Dowladda Imaaraadka iyo QM ka geystaan taageeridda Dowladda Somalia iyo xasilinta dalka.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in Michael Keating uu ku booriyey xukuumadda Imaaaraadka  Carabta inay sii waddo taageeradda ay siiso Somalia, gaar ahaan; Dhinacyadda Samafalka bani’aadamnimo iyo horumarinta waddanka.

Kulanka labada dhinac ayaa kusoo beegmay maalmo kaddib, markii uu soo saaray baarlamaanka Midowga Yurub qaraar ay ku cambaareynayaan dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga inay fara-gelin ku hayaan arrimaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Tan iyo markii uu dillaacay khilaafka Khaliijla Sannadkii hore, waxay dowladaha Imaaaraadka iyo Sacuudiga hakiyeen taageeradii ay siin jireen hay’addaha dowladda Somalia, kaddib khilaaf soo dhex-galay DFS iyo Imaaraadka Carabta.

PUNTLAND POST