Caruur Walaalo ahaa oo Gaari uu ku Jiray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa saakay waxaa ka dhacay shil qasaare geeystay.

Shilkaasi ayaa ahaa kadib markii gaari nooca raaxada ah uu jiiray Caruur taagnaa Wadada Dhinaceeda Gaar ahaan wadada UNICEF ee u dhaxeysa Suuqa Beerta iyo Buundada qeybta degmada Waaberi.

Waxaa halkaasi ku dhintay 2 Caruur ahaa oo walaalo ahaa kuwaasi oo da’dooda lagu qiyaasay 9- 14- sano jir.

Sidoo kale waxaa halkaasi ku dhaawacmay 2 ruux oo kale oo iyana wadada mareeyay.

Ciidamada Booliska ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo gacanta ku dhigay wadihii gaariga iyo dad la saarnaa.

Warar ayaa sheegayay in wadaha gaariga uu isticmaalayay waxyaabo maanka dooriya xiliga uu gaariga ka xeeynayay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho