Al-Shabaab oo war cad kasoo saartay Maal-gashiga Itoobiya ee Dekedaha Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horreysay war kasoo saaray heshiiskii bishii lasoo dhaafay ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kaasoo ku aaddanaa Afar dekadood oo Itoobiya Maal-gashaneyso.

Hadal Idaacadda Al-shabaab kasii daayay Mahad Warsame [Karate] oo ka mid ah hoggaanka ugu sareeya kooxda ayuu ku sheegay in Qorshaha dalka Itoobiya loogu gacan-gelinayo Dekedaha Somalia uu qayb ka yahay damacii Itoobiya ee ahaa inay Somalia oo dhan qabsato.

Karatee ayaa intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed ay qarniyo ka hor la dagaallamayeen Itoobiya, si ay uga hor-tagaan damaceeda guracan ee ahaa inay qabsato dhulka Soomaaliyeed.

“Dadkii dagaalka Xabashida nooga horreeyay naga horreeyay ee qarkood ku ay ku dhinteen sida; Axmad Gureey, Gaalo badan oo Itoobiyaan ahna lagu laayay, waxaa loosoo galay waxay ahyd in la difaaco Diinta Islaamka iyo dhulka Soomaaliya, Damaca Xabashidana la baabi’iyo,” ayuu yiri Karatee.

Sidoo kale, Hoggaamiyahan ayaa sheegay in heshiiska dekedaha lagu siiyay Itoobiya iyo hadalkii kasoo yeeray Abiy Ahmed ee ahaa in la mideyn doono Somalia iyo Itoobiya uu yahay qorshe ay ku doonayso inay Soomaaliya kula wareegto.

“Itoobiya muddo fog ayay ku hawlanayd qoshaheeda ay doonayso inay kula wareegto Dekedaha Somalia, isla markaana ay jirto waddo laga soo bixiyay gudaha Itoobiya, lana doonayo in lasoo geliyo Dekedda Hobyo oo ka mid ah dekedaha lagu wareejiyay Itoobiya, laakiin Al-shabaab ayaa ka hor-tagaysa qorshahaas gurracan ee Itoobya,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay.

Dhanka kale, Mahad Karatee ayaa sheegay in Hoggaanka Soomaalida ee baasaboorada shisheeye wata ay leeyihiin halistooda, una soo shaqo tagay sidii ay dhulka iyo badda Soomaaliyeed uga iibsan lahaayeen Itoobiya iyo Kenya.

“Farmaajo oo ah Ruux Maraykan ah, kana tirsan Xisbiga Donlad Trump ee Jamhuuriga la yiraahdo, wuxuu dadka Soomaaliyeed ku beer-laxawsaday inuu yahay wadani Soomaali ah, balse markii uu kursiga ku fariistay wixii ugu horeeyay ee uu qabtay waxay ahayd inuu xabashida u gacangeliyo qof walba oo Soomaali ah oo ay ka dalbadaan, Maantana wuxuu saxiixay in dekedaha dalka ay Xabashidu la wareegto. Dhulka, Cirka iyo Badaha Soomaaliyeed,” ayuu mar kale yiri Karatee.

Ugu dambeyn, Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadaan in qorshahan uu yahay mid caasimadda Itoobiya loogu soo wareejinayo Xamar, sida caasimadda Yuhuudda looga dhigay Qudus, isagoo xusay inaysan marna aqbali doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya lagu wareejiyo Itoobiya.

PUNTLAND POST

One comment on “Al-Shabaab oo war cad kasoo saartay Maal-gashiga Itoobiya ee Dekedaha Soomaaliya”

  1. Farmaajo waa Faqash. Faqashtuna waa khaainul waddan:

    Eeg Cabdullaahi Yuusdufkii tiro ka laba jeer
    Axmaarada ku soo hoggaamiyay Somalia.

    Eeg Cumar Cabdirashiidkii Kenya ku wareejiyay
    baddii Soomaaliyeed ee shidaalku ceegagay.

    Eeg Cabdirashiid Cali Sharmarkihii N.F.D.
    ku wareejiayay Kenya.

    Eeg Cumar Xaaji Masallihii noqday ninkii
    uugu horreeyay ee Xabashida ku soo hoggaamiyay
    Somalia.

    Eeg Farmaajihii dalka iyo afarta dekadood
    u saxiixay Itoobiya. Afar iyo labaatan
    heshiis buu Itoobiya uugu saxiixay
    laba saac gudahood. Isagoo aan xataa
    akhriyin waxa u saxiixasyo.

    Naagta ay yiraahdaan Ayaan Xirsi Magan, iyaduna waa Fash kale. Waa tii ka baxday diinta Islaamka oo, kaaga darantee, dunida oo dhan magac iyo lacag ku raadisa wax ka sheegidda diinta Islaamka.

    Bogaadin ha gaadho Raiisulwasaare Xasan Cali
    Kheyrihii beeniyay Farmaajo warkiisa oo yiri
    “heshiis-ku-sheegga Itoobiya loogu wareejiyay
    afarta dekadood ee uu saxiixay Farmaajo,
    waa heshiis aan ansax aheyn, aan laheyn
    wax ka soo qaad, ahna “null and void”.

    Xasan Cali Kheyre isagu Faqash Alle kama dhigin.
    Waa halyeey Samaale ah oo waddani ah.

    Walaalow, Faqashtu maxay shaqo uga dhigteen
    inay cadawga Kenya iyo Itoobiya ku
    wareejiyaan badda iyo dekedaha iyo xornimada
    dalka hooyo?!
    Faqashtu maxay meherad uga dhigteen dal la iibiyaa iyo cadaw lagu soo hoggaamiyaa dalka hooyo?

    Faqashta, xataa dumarkoodu waxay ku taqasuseen oo hunguri ka raadiyaan inay gaalada u cayaan diinta Islaamka.

    Sidee laga yeelaa qoom dhan oo khaainul waddan ah? Qabiil dhan oo hunguri ka raadinaaya iibka iyo burburinta dalka
    Somalia iyo cayda iyo beeninta diinta xaniifka ah ee Islaamka?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *