Taliska AMISOM oo sheegay inay jawaab deg-deg ah ka bixin doonaan Weerarkii Otto-Otto

Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada AMISOM ee ka hawl-gala Somalia ayaa ku goodiyay inay jawaab adag ka bixin doonaan weerarkii ay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho, kuwaasoo ay ku dishay ku dhawaad labaatan qof ayna ku dhaawacday tiro intaas ka badan.

AMISOM ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in weerarkii lagu qaaday maalin ka hor xarunta wasaaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Somalia ay ahaayeen kuwo la doonayay in lagu wiiqo amniga guud ee ka jira dalka.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay inay AMISOM qaadi doonto Weerar ay ugu aar-gudayaan shaqaalaha iyo shacabka ku naf waayay weerarka lagu qaaday xarunta Otto-Otto ee Muqdisho.

AMISOM ayaa sheegtay in Al-shabaab ay kordhiyeen Argagixinta shacabka Soomaaliyeed, balse waxay tilmaamtay in shacabka Soomaaliyeed aysan ku nijad-jabin dhacdooyinka kala duwan ee ay kooxdan geysanayso.

Taliska AMISOM ayaa sheegay in weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Otto-Otto uu muujinayo in Al-shabaab aysan wax dan ah ka lahayn xasilloonida iyo horumarka ka jira Somalia iyo sidoo kale dallaka gobolka.

“Hawl-galka AMISOM wuxuu ka xun yahay falalka naxariis darrada ah ee ay Al-shabaab geystaan, waxaanu qaadaynaa tallaabo aan kaga jawaabeyno falalka Argagixiso ee dhaca, waxaan dib u xaqiijineynaa go’aanka ah inaan si adag ula shaqeyno Ciidamada Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo xag-jirka,” ayaa lagu yiri warbixinta AMISOM.

Ugu dambeyn, Taliska ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada, si loo helo dal nabad ah.

PUNTLAND POST