Baarlamanka Kenya oo loo gudbiyay codsi ku aadan in ciidanka Kenya laga saaro Somalia

Nairobi (PP) ─ Xillibaan ka tirsan Baarlamaaanka dalka Kenya ayaa u gudbiyay baarlamaanka dalkaas codsi uu ku dalbanayo in ciidamada Kenya ee ku sugna Somalia laga soo saaro dalkaas.

Mudane Cumar Macalin oo laga soo doortay Bariga Magaalada Mandheera ee dalka Kenya, ayaa codsigiisa ku sheegay in ciidamada Kenya ee Somalia ka hawl-galaya dib loogu soo celiyo Kenya.

Warbixinta oo uu daabacay Wargeysa The Star oo kasoo baxa Nairobi ayaa lagu xusay in Xillibaanku uu sheegay in ciidanka Kenya looga baahan yahay inay sugaan soohdinta ay wadaagaan Somalia iyo Kenya oo ay weerarro ka geysato kooxda Al-shabaab.

“Ciidamada Kenya waxay la daalaa-dhacayaan weerarro ka badan intii hore oo uga imaanaya Al-shabaab, sidaas awgeed waxaan doonaynaa inay dib ugu soo laabtaan dalkeenna oo ay difaaca xuduudaha,” ayuu yiri xildhibaan Cumar Macallin.

Sidoo kale, Xillibaanka ayaa qiray in hadafkii dowladda Kenya ay ciidamada ugu dirtay Somalia uu ahaa danta nabadda labada waddan, balse taas aan la gaarin weli, sidaas daraadeedna aanay na-quseyn hawl-galka ay Somalia ka wadaan xilligan.

Ciidanka Kenya  ayaa waaxa Soalia ay soo galeen sannadkii 2011-kii, iyagoo aan ka mid ahayn ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo ka tirsan yihiin hadda, iyago Al-shabaab kala kulma weeerarro joogto ah oo khasaare ay ka soo gaarto.

Dhanka kale, Codsiga xildhibaanka ayaa lagu xusay khasaaraha Kenya kasoo gaaray weerarkii 2013-kii ay Al-shabaab ay ku qaaday West-gate Mall oo ah suuq laga dukaameysto, kaasoo ay ku dhinteen 67 ruux iyo Weerarkii Jaamacadda  Garisa  oo 149 ruux ay ku dhinteen.

Tan iyo markii ay ciidanka Kenya soo galeen ayaa waxaa la diiwaan-geliyay weerarro tiradoodu gaarayso 155 oo ay Al-shabaab ka geysatay Gudaha dalka Kenya, waxaana sidoo kale jiray weerar Al-shabaab ku qaaday ciidan ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa xero ku taalla Ceel-cadde oo Gobolka Gedo ka tirsan, kaasoo lagu dilay boqollaal Askari.

Ugu dabeyn, Haddii uu guuleeysto codsiga xildhibaankan waxaa Somalia k aka bixi doona afar kun oo Askari oo ka tirsan hawl-galka AMISOM , inkastoo ay xukuumadda Kenya horay u diidday codsiyo ku aaddan in ciidamadooda ay kala soo baxdo Soomaaliya.

PUNTLAND POST