Afhayeenka ciidanka Puntland oo ka jawaabay eedeymo uga yimid Somaliland

Afhayeenka ciidanka difaaca Puntland Korneyl Maxamuud Axmed (Gubadle) oo la hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa jawaab ka bixiyay eedeymo masuuliyiin ka tirsan Somaliland ay u jeediyeen Puntland ka dib shil gaari oo uu ku dhintey sarkaal ka tirsan maamulka Somaliland oo habeen ka hor ka dhacay Aaga u dhaxeeya tuuladda Geed-Qaboobe iyo Deegaanka Tukaraq oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland

Korneyl Gubadle ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dhacay shilka gaarigii ay la socdeen A.U.N taliyihii ciidanka Degmada Taleex ee Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo xilal ka haya isla maamulka Somaliland, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo jeediyay Puntland.

Wuxuu sheegay dhibaatada shilkaas kasoo gaadhey xubno ka tirsan maamulka Somaliland inay sabab u ahayd ka dib markii uu qalibmay baabuur ay la socdeen oo qaab haboow ama diyoow ah si kedis ah uga soo dul dhacay mid ka mid ah fariisimaha ciidanka Puntland ay ku leeyihiin Aaga deegaanka Tukaraq.

Afhayeen Gudbadle ayaa ku eedeeyay Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Somaliland kuwo fidmo iyo isku dir in muddo ah ka waday deegaano ka tirsan Gobolka Sool, wuxuuna dusha u saarey inay masuul ka ahaayeen xubnahaasi falal lid ku ah amniga iyo dilal kala duwan oo lagu khaarajiyay waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sool.

Jawaabta afhayeenka ciidanka Puntland waxay timid ka dib markey ku eedeeyeen xubno xilal ka haya Somaliland cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland inay rasaas ku dileen sarkaal dhintey iyo dhaawaca gudoomiye ka tirsan Somaliland kasoo gaadhey gaari ku gadoomay habeen ka hor Aaga deegaanka Tukaraq oo weli ay isku horfadhiyaan labo ciidan oo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST