Shir ay yeesheen Nabadoonada iyo Gudiga horumarinta Caasimadda Garowe oo qotobo ka soo baxeen

Shirar wada tashi ah  oo muddo u socday Caaqilada iyo gudiga horumarinta Caasimadda Puntland ayaa looga hadlay  arimo ay ka mid yihiin sidii loo soo dooran lahaa gole degaan oo ka soo bixi kara ama ka soo dhalaali kara wajibaadka shaqo ee sugaaya, sida

  1. Nadaafadda magaalada
  2. Sidii qashinka loo maarayn lahaa
  3. Fayadhowrka loo sugi laha
  4. Bilicda Garowe loo hagaajin lahaa
  5. Adeegyada bulshada loo tayayn
  6. Amniga loo sugi lahaa sharcigana loo fulin lahaa
  7. Sidii dhalinyarada shaqa abuur loogu samayn lahaa
  8. Xoojinta ilaha dhaqaalaha ee caasimadda iyo suuqgeynta wax soo saarka Garowe iyo degaanada kuxeeran
  9. Nidaaminta dakhliga dowladda hoose iyo isla xisaabtanka hufan.
  10. Ilaalinta Dhaqanka suuban

Haddaba si loo fuliyo shaqooyinkaas waxaa lagama maarmaan ah in lahelo gole deegaan oo leh karti iyo xirfad ay ku fuliyaan howlahaas a kor ku xusan, waxay caaqilada iyo gudiga horumarintu isla qaateen in xubin kasta oo golaha degaanka ka mid noqonaysa buuxiso shuruudahan:

  1. Waa inuu yahay qof sumcad fiican bulshada dhexdeeda ku leh xag aqlaaq iyo dabeecadba
  2. Waa inuu ku caanyahay aaminimo iyo hufnaan
  3. Waa inuusan qabin xanuun ka hor  istaagi kara inuu shaqadiisa gudan waayo, balwadna uusan lahayn
  4. Waa inuu diyaar u yahay inuu ku  shaqeeyo tabaruc dhaqaale ahaana  isku filan yahay, xaalad dhaqaalena uusan u gelin golaha
  5. Wa inuusan gelin denbi haystana warqadda denbi la,aanta
  6. Wa inuusan hadda u shaqayn  dowladda hoose marka laga reebo masuuliyiinta ku meelgaarka ah
  7. Waa inuu leeyahay xirfad dabooli karta ugu yaraan mid ka mida adeegyada dowladda hoose qabato uuna fikir buuxa ka haysto hadafka iyo himilooyinka dowladda hoose hiigsanayso

Dhamaad