Kheyre oo xilka ka qaaday mid kamid ah wasiirada Xukuumada

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow xilkii ka qaaday mid kamid ah wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa xilkii ka qaaday wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Macallin Xuseen.

Digreetada ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa xilkaasi si KMG ah in uu u sii qabto loogu magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradaasi Mudane Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashki.

Wasiir Xasan Macalin Xuseen ayaa xilkaasi Wasiirka Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta waxa uu haayay 44 maalin oo kali ah  lamana oga sababta xilka looga qaaday.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho