Prof Samatar “Soomaaliya iyo Somaliland waa labo dal labo qaran”

Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool waxaa maanta soo gaarey wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland, waxaana ka mid ahaa waftigiisa Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada caanka ee dalka Soomaaliya

Axmed Ismaaciil Samatar oo warbaahinta kula hadlay Aaga difaaca ciidanka Somaliland ayaa ku baaqay nabad, wallow uu sheegay inay labo qaran ama dal yihiin Somaliland iyo Soomaaliya,iyadoona hadalkiisu tilmaam cad ka bixinayo isbedel mowqif oo ku yimid Prof Samatar oo 2012-kii ka mid ahaa musharaxiintii ku tartamay madaxtinimada dalka gaar ahaan kursiga Madaxweynaha doorashadii uu ku guulaystey Madaxweynihii horre ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Deegaanka Tukaraq weli waxaa isku horfadhiya ciidamo farabadan oo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland,waxaana xilli kasta laga dhex filan karaa labada dhinac dagaal ka dhexqarxa madaama aysan muuqan waanwaan xoog leh oo loogu jiro heshiisiinta Somaliland iyo Puntland.

Daawo.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST