Abiy oo ka degay Asmaran

Ra’iisul wasaare Abiy iyo Madaxweyne Isaias

Abiy Ahmed ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagey caasimada Asmara ee dalka Eritrea.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo abuuri lahaa xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan labada dal oo muddo ay ka dhaxeysay muran xuduudeed.

Labada dal ayaa muddo dheer ku muransanaa deegaanno ka tirsan soohdinta ay wadaagaan, waxaana Qaramada Midoobay ay deegaannadaasi u xukuntay Eritrea, walow ay Itoobiya diiday go’aankaasi.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa sanadii 1998 waxaa dhexmaray dagaal kharaar oo ay ku dhinteen kumanaan qof, kaas oo socday ilaa iyo sanadkii 2000, kadib dhexdhexaadintii sanadkii 2002, ma jirin wax xiriir ah oo ay la haayeen labada dal.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa bishii hore aqbalay heshiiskii nabadeed ee Eritrea u gooyey  soohdintii  lagu muransanaa ee labada dal, waxaana Addis Ababa booqday wafdi ka socday Eritrea.

Waa raii’sul wasaarihii ugu horeeyay oo ka socda Itoobiya oo tago dalka Eritrea muddo 20 sano ah.

PUNTLAND POST