Somaliland oo Puntland ku eedeysay shil dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Sool

Somaliland ayaa ka hadashay shil xalay saqdii dhexe ka dhacay gobolka Sool oo masuuliyiin ka tirsan ay ka soo gaareen dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Saleebaan Cabdi Caatay oo ahaa taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Taleex ay dileen ciidamao ka tirsan Puntland, sidoo kalana ay dhawac halis ah u geysteen maayarkii Taleex ugu magacownaa Somaliland.

Dhanka kale warar madax banaan oo ay heshay PUNTLAND POST ayaan ku ogaanay in xalay saqdii dhexe masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo watay labo gaari ay si khalad ah uga soo dul dhaceen mid kamid ah fariisimaha ciidanka Puntland ee gobolka Sool, kadibna ay damceen in ay cararaan balse gaari kamid ah uu dhacay.

Gaariga dhacay waxaa ku dhintay Saleebaan Cabdi Caatay oo ahaa taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Taleex, halka uu dhaawac culus soo gaaray gudoomiyihii Taleex ugu magacownaa Somaliland oo lagu magacaabo Saleebaan Food Xaaji Diiriye.

Sidoo kale gaariga baxsaday waxaa saarnaa masuuliyiin ka tirsan Somaliand oo uu kamid ahaa gudoomiyihii gobolka Xaysimo ee Somaliland ugu magacownaa oo lagu magacaabo Cabdirashiid Axmed Xiir iyo saraakiil kale.

Wararka ayaa intaas ku daraya in masuulka Somaliland ee dhaawacmay ay hadda gacanta ku heyso Puntland, inkastoo aysan ka hadlin arintaas ilaa hadda.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo laga cabsi qabo dagaal mar kale ku dhexmara Puntland iyo Somaliland gobolka Sool oo ay ku muransan yihiin gacan ku heyntiisa.

PUNTLAND POST