Dal Yurub ah oo ku guuleysan doona koobka adduunka 2018

Koobka adduunka

Waxaa hubaal ah in dal kamid ah qaaradda Yurub uu ku guuleysan doono dhacdada ugu weyn kubbada cagta adduunka ee sanadkan 2018 oo ka socota dalka Russia.

Lix dal oo Yurub ah ayaa haysta fursad ay ugu guuleysan karaan koobka adduunka ee sanadkan 2018, labo kamid ah ayaa caawa u soo baxay afar dhammaad (Semi-finals), halka afarta kalana ay habeen danbe ku balan san yihiin siddeed dhammaadka (Quarter-finals) tartankan.

Xulka France ayaa 2-0 ugu awaad sheegtay xulka Uruguay, halka Belgium uu 2-1 ku reebay Brazil, waxaana sidaas ku haray labadii xul qaran ee matalay qaarada latin America, halka Frace iyo Belgium oo Yurub ah ay u soo baxeen afar dhammaadka (Semi-finals) koobka adduunka ee sanadkan 2018.

Habeen danbe marti galiyaasha koobkan ee Russia oo si layaab leh ku soo reebay xulka Spain ayaa kulan xiiso badan la yeelan doona xulka Croatia oo kamid ah xulalka layaabka sameeyay, halka England oo riyo wayn ku jirtaa ay Sweden wada ciyaari doonaan.

Xulka France ayaa afar dhammaadka (Semi-finals) la ciyaari doona xulka Belgium, halka labada xul ee habeen danbe soo baxaana ay isku dhici doonaan, waxaana ugu dambeyn koobkan isugu iman doona labo xul qaran oo Yurub ah midkoodna ku guuleysan doono.

Waa markii ugu horeysay oo wadamo isku qaarad ah ay ku guuleystaan afar dhacdo oo xariir ah koobka adduunka oo kala ah Italy 2006, Spain 2010, Germany 2014 iyo 2018 oo Lixdan mid kamid ah ku guuleysan doono.

PUNTLAND POST