Alle ha u naxariistee waxaa London ku geeriyooday Siyaasi- Oday Soomaaliyeed, Marxuum Xayn-Wade.

Waxaa shalay magaallada London ku geeriyooday Alle naxariistiisii Janno ha siiyee marxuum Max’ud Cuthmaan Xayn-Wade oo ka mid ahaa xubnihii ugu horeeyay ee ka mid noqday ururkii dhallin-yaradii Soomaaliyeed ee SYL, isla markaasna door weyn ka soo qaatay halgankii iyo siyaasaddii uu ururka SYL dalka ka xoreeyniyay gumeystaha, waxaana loo magacaabay inuu wakiil ugu noqdo ururkaas gobolka Jubbada-Hoose, halkaasoo isaga iyo xubnihii kale ee ururka ay ku guuleysteen inay ka taabo geliyaan halgankii logu jiray gobanimmada Soomaaliya.

Maxamuud Cuthmaan Xay-Wade ayaa xilligii dowladdii madaniga ahayd, wuxuu agaasimi ka soo noqday Warshaddii Caanaha, wuxuuna sidaasoo kale ka soo shaqeeyay xafiisyo iyo wazaarado kala duwan oo runtii dhammaantood uu ka mutay sumacad iyo magac wanaagsan. Alle ha u naxariistee Xayn-Wade, dowladdii kacaanka ahayd markay dhalatay ayaa la xiray muddo 5sano ah sababo la xiriirinayay siyaasadda uu shakhsi ahaan isagu aaminsanaa.

Markii uu dalku burburay Marxuumka wuxuu ka mid ahaa odayaal is-xilqaamay oo u istaagay nabadaynta ummmada dhexdeeda, waxaana wali aad loo xasuusanyahay kaalintii u ka qaatay xasillinta gobolka Jubbada-Hoose siiba magaallada Kismaayo oo ayadu ka mid ahayd meelaha ay sida aadka ah uu aafeeyeen dagaallada iyo colaadihii dalka burburiyay, waxaana dhowr jeer uu ka badbaaday shirqool la doonayay in lagu dilo oo ay u soo mareegeen siyaasiyiin iyo qabqablayaal dagaal oo iayga isaga soo hor jeeday deeggannada Jubbada-Hoose.

Dabayaaqadii 90dii Marxuumka wuxuu ka mid ahaa odayaal iyo siyaasiyiin aad uga ololeyniyay magaallada Nairobi si loo nabadeeyo magaallada Kismayao, wuxuuna ku dadaalay inuu la hadlo cid kasta oo ay suuro gal ahayd inay gacan ka geysan karto nabadaynta deegaannada Jubbada-Hoose, hadda ahaan lahayd Oday-DHaqameedyo, Siyaasiyiin, iyo Wax-Garad kalaba. Alle ha u naxariisto Marxuum Maxamuud CUthmaan-Dicin Cabdulle (Xayn-Wade)waxaa maalinta axadda ah lagu aasi doonaa xabaalaha muslimiinta ee magaallada London, waxaana tacsi u diraynaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed, waxaana Alle uga baryeeynaa inuu naxariistiisii Janno Siiyo “Aammiin”.