Puntland: Muran ka dhashay agaasime waaxeedyo isku shaan-dheyn lagu sameeyay

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Gaas

Muran xoogan ayaa ka dhashay agaasimayaasha waaxyaha maamulka iyo maaliyadda wasaaradaha Puntland oo uu dhawaan isku shaan-dheeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Sida ay helayso PUNTLAND POST qaar kamida wasiirada madaxweyne Gaas ayaa si aada uga biya diidey in laga bedelo agaasimayaashooda waaxyaha maamulka iyo maaliyadda, xubanaha sida aadka uga biyo diidey waxaa kamida Cabdinaasir Cismaan Cawke oo ah wasiirka caafimaadka Puntland wuxuuna u sheegay madaxweyne Gaas inuusan xaq u lahayn inuu isbedel ku sameeyo agaasin waaxeed ka tirsan wasaaradiisa isaga oo aan kala tashan.

Wasiir Cabdinaasir Cawke ayaa u sheegay Madaxweyne Gaas inuu istaqaaladiisa iscasilaada u soo gubin doono hadii uusan booskiisii kusoo celin agaasimihii waaxda maamulka iyo maaliyada wasaaradda caafimaadka Puntland Xassan Shire Abgaal oo booskaas joogey tan iyo xukuumadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Xassan Shire Abgaal oo ah xubin fir-fircoon ayey shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaaradda caafimaadku u arkaan mid kamida tirarkii ay wasaaradaasi ku taagnayd.

Sidoo kale Cabdullaahi Sheekh Axmed oo ah wasiirka xanaanada xoolaha Puntland ayaa si aada uga biyo diidey labba agaasime waaxeed oo uu isku bedelay Madaxweyne Gaas, kuwaas oo kala ahaa agaasinka waaxda daawooyinka xoolaha oo loo bedelay agaasinka waaxda kaydka, halka kii kaydkana loo badelay agaasinka waaxda daawooyinka xoolaha.

Wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa madaxweyne Gaas u sheegay inuu gacmaha la galay shaqooyinkiisii hoose ee isaga u gaarka ahaa.

Wuxuuna Wasiir Cabdullaahi Sheekh ka xumaaday in madaxweyne Gaas uu agaasinkii daawaynta xoolaha ku bedelay nin agaasime waaxeed ka ahaa isla wasaarada oo ay madaxweynaha qaraabo dhaw yihiin, waxaana xusid mudan in isku bedelka agaasime waaxeedyada ay xaq u leeyihiin wasiiradu.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas oo waqtigu kasii dhamaanayo ayaa in dhawaale waday isbedelo uu ku sameynayay saraakiisha hoose ee hay’adaha dowlada (Halkan ka akhriso qaar kamid ah).

PUNTLAND POST