(SAWIRRO)AGAASIMAHA MAAMULKA IYO MAALIYADDA WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND OO XILKA LA WAREEGAY

Munaasabad ay xilka kula agaasimaha waaxda maamulka iyo Maaliyada Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mahad Colaad Maxamed iyo agaasimihii hore ee waaxda maamulka iyo maaliyada Wasaaradda Waxbarashada Faarax Maxile jamac ayaa maantay ka dhacday xarunta Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Magaalada Garoowe.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr.Maxamed Cali Faarax,Wasiiru dowlaha Waxbarashada,agaasimaha Guud ee wasaaradda Maxamed Cali Faarax Farmayeeri,agaasimaha cusub ee xilka la wareegay iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashad iyo Tacliinta sare ee Puntland.

Agaasimihii hore ee waaxda maamulka iyo Maaliyada Wasaaradda Waxbarashada Puntland Hadana loo magacabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada wasaaradda deegaanka iyo Isbadalka cimilada Faarax Maxile Jaamac ayaa uga mahad celiyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Puntland sida wanaagsan ee ay ula soo shaqeeyeen mudadii uu xilka hayey.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Faarax Maxile Jaamac oo xilkaas qabtay sanadkii 2003-dii ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka joogay waxaana uu sheegay in wasaaradda uu kasoo bilaabay meel hoose hadana uu gaarsiiyey heerkii ugu sareeyey.

Agaasimaha cusub ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mahad Colaad Maxamed oo isna ka hadlay munaasabada xil wareejinta ayaa sheeegay inuu khibrad u leeyahay waaxdaan waxaana uu ka codsaday shaqaalaha wasaaradda inay si wanaagsan ula shaqeeyaan isaguna uu si wanaagsan u gudan doono xilka loo magacaabay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Dr.Maxamed Cali Faarax iyo Wasiiro dowlaha wasaaradda waxbarashada ayaa u mahad celiyey agaasimhii hore ee waaxda maamulka iyo Maaliyada Waxbarashada Faarax Maxile Jaamac waxaana ay sidoo kale soo dhaweeyeen agaasimaha cusub Mahad Colaad Maxamed iyagoo u rajeeyey agaasimaha cusub in xilka loo magacaabay uu si wanaagsan u gudan doono.

Madax waynaha dowlada puntland Cabdiwali MaxamedCcali Gaas ayaa 27 june 2018 waxaa uu isku shaan dhayn ku sameeyey agaasimo waa xeedayada qaybo ka mid ah wasarada dowlaada puntland oo ay kamid tahay Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland.

Halkaan ka daawo Sawiradda.

Puntlandpost.Net