Beesha caalamka oo Puntland iyo Somaliland kala hadashay xaalada Tukaraq

Muuse Biixi iyo wafdi ICRC

Wafdi ka socda beesha caalamka ayaa Puntland iyo Somaliland kala hadlay xaalada colaadeed ee Tukaraq iyo maxaabiistii dhawaan lagu kala qabsaday dagaaladii halkaas ka dhacay.

Wafdi ballaaran oo ka socday gudiga Laanqeyrta Cas (ICRC) oo uu hoggaaminayey madaxa Soomaaliya Mr. Simon Brooks ayaa maanta magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoo ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa dagaalka Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo xaalada maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaaladii dhacay, sidaas waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland mar uu ka jawaabayey qodob ay ka hadleen wafdigu oo ahaa in xabad joojin laga sameeyo Tukaraq, uu sheegay in uu soo dhaweynayo xabbad joojin la sameeyo,uuna kamid yahay qodobadii Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamkuba ay soo jeediyeen in la fuliyo, Somaliland-na ay aqbashay

Dhanka kale wafdiga uu hogaaminyo madaxa Laanqeyrta Cas ee Soomaaliya ayaa shalay magaalada Garowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas, iyagoo ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa xaalada colaadeed ee Tukaraq iyo maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaaladii halkaas ka dhacay ee dhexmaray Puntland iyo Somaliland, inkastoo war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland lagu sheegay in kulankaas looga hadlay arrimo bini’aadanimo.

Deegaanka Tukaraq ayaa hadda laga cabsi qabaa dagaal mar kale ku dhexmara Puntland iyo Somaliland oo isku haya gacan ku haynta gobolka Sool, iyadoo labada dhinacba ay maalmihii u danbeeyay ciidamo hor leh ku daabulayeen deegaankaas.

Dhanka kale waxaa baaqday safar Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi 1-dii bishan July ku tagi lahaa meelo kamid ah gobolada Sool iyo Sanaag, gaar ahaan degmada Ceel-afweyn iyo Tukaraq oo la sheegay in uu booqan lahaa ciidamada halkaas ka jooga, lamana oga sababaha baajiyay safarka Biixi.

Hay’adda xasaradaha adduunka ayaa dhawaan warbixin ay soo saartay kaga digtay dagaal dhexmara Puntland iyo somaliland, iyadoo hogaamiyaasha Afriga, kuwa reer galbeedka, hawlgalka AMISOM, Itoobiya, Imaaraadka iyo deeq bixiyayaasha caalamka ka codsatay in ay qaadaan talaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo iska hor imaadka labada dhinac.

PUNTLAND POST