Guddiga wadada ceel-daahir iyo Ceeri-gaabo oo soo bandhigay wajiga labaad dhismaha wadadaas

Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa xalay Magaalada Garoowe kusoo bandhigay daahfurka wajiga labaad ee dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo kadhacay hoolka Jaamacad Bariga Afrika ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Prof.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas qaar kamida goleyaasha Dowladda Puntland, guddiga waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, ganacsato iyo bulshada qaybeheeda kala duwan gaar ahaan bulshada kasoo jeeda gobalada Sanaag iyo Haylaan.

Guddiga dhismaha waddada ayaa Madaxweynaha uga xog-bixiyey meesha ay marayso shaqadda dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, isla mar’ahaantaana waxaa ay kulanku intii uu socdey soo bandhigeen muuqaalo muujinaya sida ay shaqadu u socoto iyo meesha ay marayso dhismaha waddadu.

Guddiga ayaa sheegay in  dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo  ay hada soo geba-geboowday wajigeedii koobaad ee wadada oo dherarkeedu yahay 90 km, shaqada laga qabtayna  ay tahay simitaan iyo kushubid jay iyo caratuur, waxaana loo gudbay wajiga labaad oo ah dhigitaankii daamurka oo loo keenay qalab casri ah oo lagu dhiso wadooyinka wadamada horumaray.

Sidoo kale Dhismaha waddada Ceel-daahir, Ceerigaabo kharashka lagu dhisayo ayaa kayimid iskaa-shiga shacabka iyo Dowladda Puntland, kuna hirgalay halkudhigii ”Puntland ha isku tashato”.

Guddiga ayaa sheegay in dhismaha wadada qaybta hartay ay ku baxayso lacag badan waxaana ay ka codsadeen shacabka Puntland Gaar ahaan shacabka Gobalada Sanaag iyo Haylaan inay soo dadajiyaan qoondada kaga soo aaday wadada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa mahad balaaran u jeediyey jaamacadda Bariga Africa iyo guddiga wadada Ceel-daahir iyo Cirgaabo’’dhab ahaantii aad baan ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo xafladdaan si gaar ah ayey ii taabanaysaa ka soo qayb galkeedu, Mahad dhammaanteed Alle ayey u sugaantay marka laga yimaado haddii cid ammaan leedahay waxaa iska leh guddiga wadada oo uu shiikh Maxamuud gudoomiye u yahay’’ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dadka reer Puntland  waajib iyo xujo ku tahay dhismaha wadadaas oo fure u noqon karta hourmar iyo shaqooyin badan oo Puntland ka hirgala’’haddii ay fashilanto wadada Ceel-dahir iyo cirgaabo wadooyin kale oo inoo dhismaya ma jiraan marka aan tijaabino awoodeena oo wadada ha laga qayb-qaato’’ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu fariin u diray qurba joogta waxaana uu ka codsaday  in lacagaha ay dalxiiska ku aadaan  ku bixisaayaan dhismaha wadadaas muhiimka u ah hooyooyinka foosha ah, guusha wadadaas laga gaadhaa waxay fure u tahay guulo badan oo soo socda haddaan ku guulaysano Ceel-Daahir-Cirgaabo mashruuca ku-xigaa wuxuu noqonayaa Kalabaydh ilaa Baargaal.

Sawirro.

PuntlandPost.net