Ciidamada PMPF oo saldhig weyn ka dhisanaya degamada Caluula

Cutubyo ka tirsan ciidamada badda Puntland ee(PMPF) oouu hoggaaminayo Admiral. Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa Sabtidii shalay gaaray degmada Caluula ee gobolka Gardafu’u halkaas oo ay ka hirgelinayaan mid kamid ah saldhigyada waaweyn ee ciidamada PMPF.

Ciidamada ayaa markii ay shalay halkaasi gaareen waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Caluula,waxayna kulamo xog-isweydaarsi ah la qaateen mas’uuliyiinta dowladda Puntland ee degmada Caluula iyo waxgaradka halkaas ku sugan oo ay saraakiisha PMPF kala hadleen xoojinta xiriirka ciidamada iyo bulshada magaalada iyo sidoo kale horumarinta arrimaha amniga degmadaasi.

Taliyaha ciidamada badda dowladda Puntland,Admiral.Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo hoggaaminaya ciidamada degmada Caluula gaaray ayaa sheegay in halkaasi ay ka dhisanayaan mid kamid ah saldhigyada waaweyn ee PMPF ee degaaannada bariga fog,gaar ahaanna gobolka Gardafu’u.

Ciidamada badda Puntland ee (PMPF) oo inta badan xarumo waaweyn ku leh degaannada xeebaha ku dherar ee Puntland ayaa sidoo kalena ka hawlgala buuraleeyda Galgala iyo Qandala ee gobolka Bari halkaas oo ay ku kala sugan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish ee degaannada Puntland.

 

PUNTLAND POST