Faransiiska oo u soo baxay siddeed dhammaadka koobka adduunka

Xulka Faransiiska

Xulka kubadda cagta dalka Faransiiska ayaa u soo baxay wareega siddeed dhammaadka (Quarter Finals) koobka adduunka ee sanadkan 2018-ka, kadib markii uu 4-3 ugu awood sheegtay xulka Arjantiin.

Labada xul oo soo bandhigay ciyaar qurux badan ayaa goolka furitaan oo ahaa gool kulaad (Riigoore) waxaa ku furtay Faransiiska daqiiqadii 13-aad, waxaana u saxiixay Antoine Griezmann, balse Ajrantiin ayaa la timid daqiiqadii 41 aad ee dhammaadkii qeybtii hore gool barbare ah waxaana u dhaliyay Angel Di Maria, waxayna qeyb hore ciyaartu ku dhamaatay 1-1.

Markii laysku soo laabtay qeybtii danbe ee ciyaarta Arjantiin ayaa qadiiqadii 48-aad la timid gool ay hogaanka ku qabatay, waxaana u dhaliyay Gabriel Mercado oo ciyaar ka dhigay 1-2.

Balse Faransiiska ayaa saddex gool oo deg deg ah la yimid daqiiqadihii 57, 64 iyo 68 waxaana u kala dhaliyay Benjamin Pavard oo hal gool dhaliyay iyo Kylian Mbappe oo labo gool saxiixay.

Arjantiin ayaa wakhtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta la timid goolkeeda saddexaad oo uu dhaliyay Sergio Aguero oo ciyaarta beddel ku soo galay, balse Arjantiin ma awoodin in ay gool kale la timaado, wuxuuna kulanku ku dhamaaday 4-3 oo uu ku adkaaday Faransiisku.

Xulka Faransiiska ayaa siddeed dhammaadka (Quarter Finals) la ciyaari doona midkoood xulalka Uruguay iyo Portugal oo caawa wada ciyaari doona.

Faransiiska oo sanadkii 1998 ku guuleystay koobka adduunka ayaa hadda haysta fursad kale oo uu mar kale ku qaadi karo.

PUNTLAND POST