Wasaaradaha Dastuurka Federaalka iyo Puntland oo Garowe tababar ku soo xiray

Waxaa maanta magaalada Garoowe ku soo xirmay tababar ku saabsan,waxbarashada Madaniga ah iyo Wacyi-gelinta dadweynaha oo ay si wadajir ah u qabteen Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Dastuurka Arrimaha Federaalka iyo demuquraaddiyeynta Puntland.

Tababarkaan oo mudda afar maalmood ah socday ayaa looga faa’idaynayay,xubnaha Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo wasaaradaha Bah-wadaagta la ah, Wasaaradda Dastuurka Arrimaha Federaalka iyo demuquraaddiyeynta Puntland.

Tababarkaan tababarayaasha ayaa xubnaha loo qabtay lagu wacy-gelinayay Dastuurka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee haatan dib-u-eegista iyo turxaan-bixintu ay ku socoto,waxaana sharraaax buuxda laga siinayay hannaanka Dastuurka KMG Dowladda federaalka Soomaaliya.

Agaasime Ku xigeenka ahna, Ku simaha Agaasimaha Wasaaradda Dastuurka Arrimaha Federaalka iyo demuquraaddiyeynta Puntland,Yuusuf Ibraahim Saalax  oo faahfaahin ka bixiyay tababarkaan soo xirmay ayaa sheegay in tababarka lagu baranayay Dastuurka qabyada ah ee dalka,islamarkaana Bulshada lagu fahamsiinayay,isagoo intaas raaciyay in ay sii wadayaan tababarka oo degaanno kale oo  Puntland ka tirsan ku qaban doonaan,maadama uu muhiimad gaar ah u leeyahay faham-siinta Bulshada ee Dastuurka dalka.

Ugu dambayntii, Xamse Cabdi Barre oo ka socday Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tababarka soo xiray ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah leedahay marwalba Bulshada in la wacyi-geliyo,si ay go’aan sax ah u qaataan,wuxuna tababarkan soo xirmay ku tilmaamay mid wax badan Bulshada uga iftiiminaya Dastuurka dalka ee hadda dib-u-eegista iyo turxaan-bixintu ku socoto,isagoo caddeeyay in tababarkan sidii loo qorsheeyay u qabsoomay oo ay ka faa’idaysteen dhammaan xubnihii loo qabtay.

Halkaan ka eeg sawirada

PUNTLAND POST