Maxaa ka jira in Baarlamanka Puntland uu mudda-kordhin samaynayo?

Xubnaha Golaha Wakiilada dowladda Puntland ayaa isniinta maanta ah meel-mariyay ajandaha kal-fadhigooda 41 aad oo maalin ka hor furmay.

Dhammaan mudanayaashii soo xaadiray kulanka saddexaad ee fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa cod buuxa ku meel-mariyay ajandaha oo ka kooban 12 qodob,waxaana qodobada ugu waaweyn kamid ah; 1)warbixinno laga dhegaysan doono guddiyada Baarlamanka 2)xog-wareysiga madaxweynaha ee amniga iyo difaaca Puntland 3)dhaqan-gelinta xeerka Tahriibta 4)hab-raaca iibinta hantida ma’guurtada ah iyo 5)Xisaab-xirka maaliyadda Puntland ee sannadkii 2017.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland,Axmed Cali Xaashi oo ku dhawaaqay meel-marinta ajandaha fadhiga Baarlamanka ayaa sheegay ,in xildhibaannadu aysan waxba ka beddelin ajandihii la soo diyaariyay oo ay cod midaysan ku meel-mariyeen,islamarkaana loo gudbayo qodobada ku xusan ajandaha,sida uu qabo xeer-hoosaadka Baarlamanka.

Dhinaca kale ajandaha horyaalla xubnaha Baarlamanka Puntland ee maanta la meel-mariyay, ayaan gebi ahaanba lagu soo qaadin,wararka la xiriira mudda-kororsi la sheegay in ay doonayaan Golayaasha Puntland(Baarlaamanka iyo Xukuumadda) oo ay maalmahan dambe ka digayeen siyaasiyiinta mucaaradsan xukuumadda haatan talada haysa.

Siyaasiyiin la baxay Puntland Focus Group, ayaa todobaadkii tegay qoraal ay soo saareen ka digay, in mudda-kordhin loo sameeyo xukuumadda ay halis gelinayso midnimada iyo wadajirka shacabka,islamarkaana ay qiiqayso dagaalka lagu soo celinayo degaannada maqan ee Puntland,hayeeshe madaxweyne Gaas ayaa horay u sheegay in doorashada madaxtinimada Puntland ay ku qabsoomayso wakhtigeeda saxda ah ee ku beegan 8 Jen 2019.

Halkaan ka akhriso qodobada ajandaha.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar