Weerar lagu qaaday ciidamda Somaliland ee ku sugan Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xalay dableey hubaysan ay weerar ku qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan degmadaasi oo uu ka jiro kacdoon lagu diiddanyahay joogitaanka maamulka Somaliland ee gobolka Sool.

Qaar kamid ah shacabka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa soo sheegay in xalay rasaas xooggan laga maqlay ilaa saddex saldhig oo ay ciidamada Somaliland ku leeyihiin bartamaha magaalada,taasoo sii socotay tan iyo salaaddii subax ee saaka,balse faahfaahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarka iyo cidda soo qaadday midna.

Dhinaca kale ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Somaliland ugu magacaaban gobolka Sool iyo saraakiisha ciidamada ee jooga degmada Laascaanood. Degmooyinka gobolka Sool oo ay ku jirto magaalada xarunta ah ee Laascaanood ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacay bannaan-baxyo waaweyn oo lagu diiddanyahay joogitaanka maamulka Somaliland ee gobolka.

Bannaan-baxyada oo shacabku u bixiyeen”duufaanta buluugga ah” ayaa ka dhashay xiisadda colaadeed ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland taasoo markii hore ka bilaabatay qabsashadii ciidamada Somaliland ee degaanka Tukaraq,haye yeeshee isu rogtay kacdoon ballaaran oo shacabka gobolkaasi kala soo horjeesteen maamulka Muuse Biixi,islamarkaana ay taageero ugu muujiyeen ciidamada Puntland ee ku sugan jiidda Tukaraq.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost