Tababar looga hadlayo hannaanka kaydinta Arkiidiyada dawladda Puntland oo Garoowe lagu qabtay

Wasaaradda shaqada shaqalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland oo kaa shanaysa mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ayaa maanta Garoowe ku qabatay tababar socon doono muddo labo toddobaad ah kaas oo shaqaalaha lagu tababari doono hannaanka kaydinta iyo ilaalinta xogta dawladda (Record and Archive management)

Tababarka ayaa waxaa si gaar ah diirradda loogu saari doonaa shaqaalahana loogu fahamsiin doonaa habka isticmaalka iyo fulinta siyaasadda kaydinta xogta dawladda taas oo dhowaan la diyaariyey isla markaana iyadu noqon doonta habraaca rasmiga ah ee hannaanka kaydinta xogta dawladda.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha Cabdishire Ismaaciil, guddoomiye kuxigeenka hay’adda shaqaalaha rayidka ah  Jaamac Xirsi Faarax, Agaasimaha waaxda kaydka Madaxtooyada Yuusuf Cabdi Soome , Agaasimaha Waaxda Maamulka Wasaaradda Shaqada ahna kusimaha Agaasimaha guud iyo Mrs Rosa oo ah khabiir dhanka Arkiifiyada ah oo tababarkaan bixin doonta.

Agaasimaha waaxda Arkiifiyada Madaxtooyada Yuusuf Cabdi Soome oo ahaa hal abuurihii hindisey barnaamijkaan baahida loo qabo oo shirk ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu barnaamijkaani u leeyahay guud ahaan dawladda Puntland isagoona ku boorriyey shaqaalaha dawladda inay maskaxda ku hayaan in akiifiyada dawaladdu ay kamid tahay hantida ma guurtada ah ee dawladda.

Sidoo kale guddoomiye kuxigeenka hay’adda shaqaalaha rayidka ah  Jaamac Xirsi Faarax oo isagu shirka hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu barnaaminkaani leeyahay isagoona xusay in shaqalahaan la tababarayo ay yihiin shaqaale la soo xulay oo kasoo bixi kara shaqadaan loo tababarayo  isagoona kula dardaarmay in loo baahan yahay in ay masuuliyad dheeraad ah isasaaraan.

Ugu dambayn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha Cabdishire Ismaaciil oo shirka furay ayaa shaqaalaha ku baraarujiyey sida ay dawladda uga go’antahay in la sameey o kayd weyn oo mideysan oo ay dawladdu leedahay sidaa awgeedna ay shaqaalahaan tababarka qaadanayaa ay yihiin cidda rasmiga ah ee wakiillada uga ahaan doona dawladda.