Axmed Madoobe oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Addis Ababa

Kismaayo-[Puntland Post]-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Qaraxii lala eegtay dad dibadbax ka dhigayay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo uu tageerayaashiisa kula hadlayay Ra”iisul Wasaaraha dalkasi Dr Abiy Axmed.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in falkaasi uu ahaa xadgudub iyo danbi weyn oo loo gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan isagoo sheegay in Cadaalada la horkeeno  kuwii falkaas ka danbeeyay.

Madaxweynahu wuxuu eheladii iyo qaraabadii dadkii ay dhibtu gaartay uga tacsiyeeyay isagoo hoosta ka xariiqay in uu la qabsanayo Xanuunka iyo Tiiranyada kuwa halkaas ku waayay Saxiibadood iyo dadkii ay Jeclaayeen.

Waa Madaxweynihii Ugu Horeeyey Ee Maamul Goboleed Oo Ka Hadlay Qarixii Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya shalay ka dhacay.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post