Shacabka Bosaso maxay ka yiraahdeen khudbadii Madaxweyne Gaas ee maanta?

Bosaso[Puntland Post] Shacabka ku dhaqan magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari ayaa aragtidooda ka dhiibtay khudbadii uu Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ka jeediyey kala fadhigii baarlamaanka Puntland ee maanta.

Hadalka Madaxweynaha oo u badnaa waxqabadka dawladiisa ayaa waxaa sida oo kale ku jiray Xoreynta gobalada ka maqan gacanta maamulka Puntland.

Shacabka Puntland ee ku dhaqan Bosaso ayaa qaar kamid ah waxa ay qabaan in uu wax badan qabtay inta uu xilka hayey Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, halka qaar kalena ay qabaan in uu ka gabiyey baahiyo badan oo ay Puntland xiligan u baahantahay.

Hoos ka dhageyso codka shacbka Bosaso

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST