Qarax weyn oo ruxay Addis-Ababa goob uu ku sugnaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Qarax aad culus ayaa goor dhawayd ka dhacay magaalada Addis-ababa ee caasimada Dalka Itoobiya xili uu socday isu-soobax balaaran oo lagu taageeraayo ra’iiisul wasaaraha cusub ee Dalkaas Abiy Ahmed.

Qaraxa ayaa ka dhacay fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis-Ababa waxaana goobtaas ku sugnaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, hase wuu ka bad-baaday qaaxaas sida uu xaqiijiyey Telefishinka Dawlada Itoobiya.

Warbaahinta Itoobiya waxay xaqiijisay inuu qaraxaasi sababay dhimasho iyo dhaawac mase sheegin tirda dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa dhawaan talada Dalkaas la wareegay kadib mudo uu dalkaasi la daala dhacaayey mudaharaadyo lagu diidan yahay xukunka kaligii taliska ah ee dalkaas ka jirey, wuxuuna masuulkan cusub uu mudadanba wadey sidii uu u fur-furi lahaa siyaasada Wadanka uuna wax badan uga badeli lahaa siyaasadii ay ku socotay Addis-Ababa.

PUNTLAND POST