Madaxweyne Gaas oo furay kalfadhigii ugu danbeeyay ee baarlamaanka Puntland

Waxaa saaka xarunta baarlamaanka Puntland ee Garowe ka furmay kalfadhigii 41-aad ee golaha wakiilada Puntland oo ah kii ugu danbeeyay ee muddo xiliyeedkoodii shanta sano.

Furitaanka kalfadhiga 41-aad ee baarlamaanka Puntland waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdulaahi Xaji Cumar Camey, gudoonka barlamaanka, xildhibaano, wasiiro, madaxda hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah,culumo, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Puntland ayaa furitaanka kalfadhiga ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlay waxqabadka xukuumadiisa intii u dhaxeysay labadii kalfadhi, dagaalka Puntland iyo Somaliland iyo xaaladda guud ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dheeraaday xaalada colaadeed ee gobolka Sool, wuxuuna sheegay in dagaalkan yahay mid saameyn ku leh diinta, jiritaanka iyo dawladnimada Puntland.

“Maanta waxaan ku jirnaa dagaal mana aha dagaalkaan la ina kusoo qaaday mid la mid ah kuwii aan horey ku geli-jirnay, waa mid saameyn ku leh diinteena, dalkeena, jiritaankeena iyo dawladnimadeena, waa dagaal dhaafay Anshaxa suuban, Soomaalinimada iyo jaarnimadii Soomaalida lagu yiqiin, waa dagaal salka ku haya been,argagixiso iyo isir-nacayb” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri “Gobolka Sool maaha meel kawada dhaxaysa Somaliland iyo Puntland, gobolka Sool maaha gobol maaha meel aan la garanayn cida iska leh oo qolo walba markeeda sheegato, gobolka Sool maaha weel lagu dawarsado oo Hargeyso mushaar looga raadsado, gobolka Sool maaha shandad inta diyaarad lala raaco lagu raadsado ictiraaf, gobolka Sool dhul iyo dad-ba waa reer Puntland”.

Sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay aqoonsan tahay xuduudii ay dawladii Soomaaliya u kala sameysay gobolada Togdheer iyo Sool, haddii wax ka qaldan yihiina ay kala hadlayaan cidkasta oo samadoon ah.

Hoos ka daawo khudbadii madaxweyne Gaas kaga hadlay colaada Sool iyo sawirro

Kalfadhiga 41-aad ee baarlamaanka Puntland ee hadda furmay ayaa ah kalfadhigoodii ugu danbeeyay ee baarlamaanka hadda jira, sida uu qabo dastuurku.

 

PUNTLAND POST
GAROOWE