Haya,adda Kaalo oo Qardho Ku qabatay Tababar ku saabsan Xalinta Khilaafadka Qoxootiga

Qardho[Puntland Post]-Haya’adda Kaalo ayaa Qaxootiga ku sugan Magaalada Qardho ee gobalka Karkaar u qabatay Tababar Socondoona mudo sadex bari kaas oo looga hadlayo sida Qaxootiga dhexdooda Khilaafaadka soo kala dhexgala ay u xalinkaran.

Furitaankii tobabarkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Hay’adda Kaalo kuwaas oo u mahadceliyey ka qaybgalayaasha, waxayna uu kula dardaarmatay in ay ka faa’iidaystaan casharada lagu bixinayo tababarkan.

Fulinta tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’ada Qoxootiga u qaabilsan qaramada Midoobe UNHCR iyo hay’adda Kaalo waxaana tababarkan lagu qabtay Magaalooyinka kale ee Puntland wxuuna u qayb ka yahay mashaariic ay Kaalo ka fulinayso deegaanada Puntland.

Tababarkan oo socon doona mudo sadex cisho ah ayaa ka soo qeyb galayaasha waxa lagu bari doona xalinta khilaafadka iyo dhaqanka wanagsan.

Mahan markii ugu horeysay oo ay hay,adda Kaalo ay tababar ku qabato magaalada qardho ee xarunta gobalka Karkaar.