Dibadbaxyo lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Abiy oo Maanta ka dhacaya Addis Ababa

Addis Ababa (PP) ─ Kumannaan qof oo Itoobiyaan ah ayaa saakay oo dhan ku qul-qulayay fagaaraha magaalada Addis Ababa, mudaaharaadkaas oo la doonayo in lagu soo dhaweeyo isbedellada uu hormuudka ka yahay RW-ha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed Cali oo horraantii sannadkan loo doortay inuu noqdo hoggaamiyaha xukuumadda dalkaas.

Dibad-baxayaaha ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ku taageerayaan RW Abiy iyo xukuumaddiisa, iyadoo bannaanbaxan uu qayb ka yahay dibadbaxyo maalmihii u dambeeyay socday, kuwaasoo lagu taageerayay xukuumadda Itoobiya.

Xukuumadda Itoobiya ayaa billowday inay isbedello muuqda ku dhaqaaqdo tan iyo markii xilka uu la wareegay RW Abiy Ahmed, kuwaasoo ay ka mid yihiin heshiiska ay la gashay Somalia, ka tanaasulidda murankii xuduudda ee kala dhexeeya Eritrea, sii-daynta maxaabiista siyaasadeed ee muddada fog ku xirnaa xabsiyada dalkaas iyo kuwo kale.

Sidoo kale, Xukuumadda Itoobiya ayaa daboolka ka rogtay inay xayiraadda ka qaadday in ka badan 250 TV iyo shabakado Internet oo hore u xayiraad loo saaray, si ay shacabka Itoobiya uga faa’iideystaan.

Agaasimaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Fistum Arega ayaa wuxuu ku qoray Twitter-ka hadallo ay ka mid ahaayeen; “Xorriyadda xogta ayaa aas-aas u ah in la helo muwaadiniin lahaansho iyo mas’uuliyadba leh. Meel ay aragti xor ah taallo oo kali ah ayaa runta laga salgaaraa.”

Dhanka kale, Arrintan ayaa astaan u ah is-beddello xoog leh oo dalka uu ka wado Ra’iisul Wasaaraha cusub, Abiy Ahmed, maadaama Itoobiya ay tilmaan u ahayd xukuumadaha ku xad-gudba xorriyadda hadalka iyo warbaahinta.

Ugu dambeyn, In ka badan toban sano ayaa maamulayaasha Itoobiya waxay aad u xannibeen in la booqdo Internet-ka, Waxayna xireen Maxaddado TV, kuwaasoo loo arkay in ay af-dheer yihiin. Waxaana Dibad-baxayadan ay beddeli doonaan dibadbaxyo rabsho wadatay oo dhawrkii sano ee lasoo dhaafay ka socday dalkaas.

PUNTLAND POST