Dowladda Somalia oo Hawadeeda uga Digtay Diyaaradaha aan Ogolaashaha ka Haysan

Muqdisho (PP) ─ Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Somalia, Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah Muqdisho loogu soo wareejiyay Maamulka Hawada, iyadoo la soo xiray Xafiiskii Nairobi laga maamulayay 20-kii sano ee u la soo dhaafay.

Yuusuf Jaalle ayaa wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay in howsha lasoo wareegida maamulka Hawada uu si tartiib-tartiib u soo socday illaa bishii December sannadkii lasoo dhaafay oo Madaxweyne Farmaajo uu daah-furay qalabka lagu maamulayo hawada.

Sidoo kale, Maareeyaha ayaa xusay in labada xafiis ee ku kala yaalla Xamar iyo Nairobi ay wixii mudadaas ka dambeeyay ay iska-garab shaqeynayeen, isla markaana ay socotay qeyb shaqaalaha lagu tababarayay.

Maareeyaha ayaa hadalkiisa ku daray in xafiiska ku yaalla Nairobi ay kasoo dhamaatay shaqadii, lana soo xiray 18-kii bishan Juun, wuxuuna xusay in Muqdisho hadda ka socdaan howsha, isla markaana shaqaalihii Nairobi joogay ee ay maamuleysay ICAO ay u soo guureen Muqdisho.

“Waxaa xilligan socda in dhamaan shaqaalaha Xafiiska Nairobi joogay inay u soo guuraan Xafiiska Muqdisho, shaqaalihii ama qubarada ajnabiga, iyagana tababaro gooni ayay siinayaan shaqaalaha kala wareegi lahaa ee maamulayaasha noqon lahaa,” ayuu yiri Yuusuf Jaalle.

Maareeye Yuusuf Jaalle ayaa isagoo sii hadlaya wuxuu intaas ku daray in si tartiib-tartiib ah dhaqaalaha Hawada kasoo gala ay Dowladda Federaalka ula wareegi doonto, isla markaana sanduuqeeda ku soo dhaceyso.

Dhanka kale, Mar uu maareeyaha Saadaasha Hawada Somalia ka hadlayay shuruucda diyaaradaha soo maraya hawada, wuxuu xusay in markii hore aanay jirin diyaarad aan ogolaansho haysan inay soo gasho hawada dalka, wuxuuna xusay in diyaarad kasta oo dal ajnabi ka soo duuleysa inay marka hore ogolaansho soo weydiisaneyso hay’adda Duulista & saadaasha hawada ee Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyn, Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Jaalle ayaa dadaal badan u galay sidii Maamulka Hawada Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa Soomaaliya, iyadoo muddadii uu howshaas ku jiray ay dhibaatooyin kala duwan ka soo gaareen safaradii uu dibadda ugu aadayay ee la xiriiray howsha la soo wareegida maamulka Hawada Somalia.

PUNTLAND POST