Madaxweyne Farmaajo oo sharaxaad kooban ka bixiyay Heshiiskii lagu Saxiixay Muqdisho


Muqdisho (PP) ─
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la hadlay Telefishinka ku hadla afka Dowladda Somalia ayaa sharraxaad ka bixiyay nuxurka heshiiskii uu maalmo ka hor kula saxiixday Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo qodobbo kale oo ay ka mid yihiin mucaaradka dowladda.

Farmaajo ayaa wargeysigiisa ku sheegay inaanay jirin dekedo la bixiyay, balse ay jiraan dad doonaya inay carqaladeeyaan isku-day walba oo la rabo in horumar lagu gaarsiiyo dalka.

“Ma jiro deked dal kale la siiyay, waayo dekedaha waxay ku yaallaan Somalia, maal-gelinta lagu sameynaya ma ahan mid Itoobiya ama Somalia ka imaanaysa, waxayse ka imaan karaan meelo kale,” ayuu si taxadar leh u yiri madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in Somalia ay haatan ku tallaabsatay heer ay dalalka caalamka kala hadasho sidii maal-gashi loogu sameysan lahaa dalka, isla markaana laga gudbay in dunida ay kala hadlaan amniga oo keliya.

“Xilliyadii hore waxaan caalamka kala hadli jirnay amni oo keliya, balse hadda waxaan kala hadlaynaa waa sidii aan dhaqaalaha u kobcin lahayn, waana guul lagu tallaabsatay,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay.

Mar la weydiiyay madaxweyne Farmaajo faa’iidad heshiiskan ugu jirta dadka Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay inuu aamisan yahay in heshiiskan mira-dhalkiisu uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed maadamaada dalkaas uu suuq weyn u noqon karo ganacsatada Soomaaliyeed, isagoona meesha ka saaray cabsida laga muujiyey heshiiskan.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa la weydiiyay mowqifkiisa ku aadan mucaaradka, wuxuuna sheegay in dalka uu u baahan yahay kooxo mucaarad ah, balse la doonayo in mucaaradkaas ay noqdaan kuwo wax-dhisaya oo aysan noqon kuwo wax duminaya.

“Annagu mucaarad waan u baahannahay, balse waa inay noqdaan kuwo wax dhisaya, balse kuwa iska qaylinaya oo aan waxba dhisayn wax dumin mooyee ma oran karno waa mucaarad,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa kaloo wax laga weydiiyay xiriirka ka dhexeeya dowladdiisa iyo maamul-goboleedyada dalka ayuu sheegay in qodobbadii kasoo baxay shirkii Baydhabo ay soo jiiteen indhaha caalamka iyo dalaka dariska ah, maadama ay ahaayeen qodobbo taariikhi ah oo ku saabsan Qaybsashada khayraadka dalka.

Ugu dambeyn, Hadallada Madaxweyne Farmaajo ayaa waxay imaanayaa iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay walaac xooggan ka muujiyeen dekedaha la sheegay inay Dowladda Itoobiya maal-gashanayso iyo hadalkii uu dalka Itoobiya ka sheegay RW Abiy Ahmed oo ahaa in Somalia iyo Itoobiya ay noqonayaan hal dal.

PUNTLAND POST