Madaxweynaha maamul la baxay united states of Somaliland oo kusoo wajahan Garowe

Waxaa magaalada Garowe soo gaaray wafuud ka socota maamulka la baxay united States of Somaliland oo dhawaan lagaga dhawaaqay Dalka dibadiisa, sidoo kalena waxaa isla Garowe kusoo wajahan Madaxweynaha maamulkaas Mustafe Maartin.

Mustafe Maartin ayaa bartiisa Facebook ku xaqiijiyey inuu maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20-ka Juun uu tegi doono magaalada Garowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas, salaadiin iyo xubno kale oo siweyn u taageersan ayaa iminka ku sugan caasimada Puntland ee Garowe iyagoo kulamo la qaadanaaya qaybaha kala duwan ee bulshada.

Mustafe Maartin oo ah madaxweynaha Maamulkaas ayaa dhawaan xaflad sagootin ah loogu sameeyey Dalka Maraykanka isagoo sheegay inuu Dalka dib ugu laabanaayo.

Masuulkan ayaa sheegay in maamulkiisa la asaasay kadib markii la majara habaabiyey dariiqii ay ku socotay Somaliland ayna dad gaara isku koobeen taladii umada Soomaaliland, wuxuuna waxba kama jiraan kasoo qaaday Maamulka Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo siweyn ugu eedeyey mid ku dhisan eex, uuna yahay maamul aysan u dhamayn bulshada reer Soomaliland.

Siday doontaba ha ahaate lama oga in masuuliyiinta maamulkani ay la kulmi doonaan madaxda sare ee Puntland mudada ay ku sugan yihiin Garowe iyo in kale, wuxuuse imaanshahoodu kusoo aadaysa xili ay cirka isku sii shareerayso xiisaada dagaal ee ka dhex aloosan maamulada deriska ee Puntland iyo Somaliland.

PUNTLAND POST