Ra’iisul Wasaare Khayre oo Oslo Kula Kulmay Xog-hayaha Guud ee Qarammada Midoobay

Oslo (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kula kulmay Magaalada Oslo ee xarunta Dalka Norway kulan kula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo ay ka wada hadleen arrima badan oo khuseeya Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa António Guterres uga warbixiyay guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay, waxuuna sidoo kale kala hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, Dhaqaalaha iyo sidii loo sii joogteyn lahaa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa codsaday in Qaramada Midoobay ay taageero buuxda la siiyo Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay ugu guuleysato in ay ku guuleysato Qorshaha Horumarinta dalka.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterre ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay gaartay Dawladda Soomaaliya, waxuuna sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto Soomaaliya.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Khayre ayaa sidoo kale kulan la qaatay agaasimaha Xarunta Wadatashiga arrimaha Aadamiga David Harland, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid tahay xaaladda Bini’aadaninimo ee Soomaaliya

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, la filayaa in sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda kale oo u yimid Norway ka qeyb galka Madasha Oslo.

PUNTLAND POST