Madaxweyne Farmaajo oo booqanaya Addis Ababa maalmo kadib booqashadii Abiy

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu Addis Ababa tago maalmo yar uun kaddib booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku yimid Muqdisho.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu xarunta Itoobiya uga qayb-geli doono kulan aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan madaxda Dalalka IGAD, kaasoo ka dhici doona Addis Ababa 21-ka bishan oo ku beegan Khamiista soo socota.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in casuumaaddii shirka ay soo gaartay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo ay dhawaan gaaraan Addis Ababa.

Sidoo kale, Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayay uga hadli doonaan madaxda waddamada ururkan ku bahoobay xaaladda amni ee Koonfurta Sudan oo ay kasoo korortay amni-xumo, kaddib markii is-faham darro ay soo dhex-gashay Dowladda Koonfurta Sudan iyo mucaaradka uu hoggaaminayo Riek Machar.

Madaxda IGAD ayaa khatar xoog leh u arka xaaladda Koonfurta Suudaan ka taagan, oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaallo cusub oo dalkaas ka qarxa, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa inay kasoo baxaan qodobbo lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada dirirsan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda sida gaarka ah dadaalka ugu bixinaya in la baajiyo dagaal cusb oo dalka ugu da’da yar Afrika mar kale ka qarxa.

Ugu dambeyn, Safarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan booqasho qaadatay hal maalin uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyadoo heshiiskii ay labada dhinac kala saxiixdeen uu abuuray kala aragti duwanaasho ba’an.

PUNTLAND POST