Maamul goboleedkii ugu horeeyay oo soo dhoweeyay heshiiskii DFS iyo Itoobiya

Maamul goboleedkii ugu horeeyay ee kamid ah Maamul goboleedyada dalka ayaa soo dhoweeyay heshiiskii dhexmaray dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maamulka Hirshabelle ayaa soo dhoweeyay heshiiskaasi iyaga oo sheegay in dano badan ay ugu jirto maamulkoodo.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay warbaahinta Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskaasi ay aad u soo dhoweeynayaan.

Waare ayaa sheegay in maamulkiisa uu daris la yahay Itoobiya isaga oo sheegay in waxyaabo badan ay is dhaafsanayaan.

Sabtidii la soo dhaafay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan maalgashi qaar kamid ah Dekadaha dalka Soomaaliya.

Hoos ka dhageeyso codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post