Guddoomiye Baarlamaan oo muddo kooban lagu xayiray garoonka diyaaradaha Xamar

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kolonyo gaadiid ah oo uu la socday ayaa saacado lagu xayiray mid ka mid ah irridiha laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, halkaasoo ay is hortaag ku sameeyeen Ciidamada AMISOM.

Sida wararka lagu helayo guddoomiyaha ayaa lagu waday inuu barqonimadii maanta uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku sii jeeday magaalada Nairobi, balse wafdiga oo ay qayb ka ahaayeen xildhibaanno ku sii sagootinayay garoonka ayaa lagu hor-istaagay Marina Gate oo ah irridda laga galo xarunta AMISOM iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kale, Ciidanka AMISOM ayaa sheegay inaanay ogolaansho u haysan in kolonyada Guddoomiyaha Aqalka sare oo ay wehliyeen ilaaladiisa ay gudaha u galaan garoonka, waxaana taasi keentay is-maandhaaf iyo muran xooggan oo dhex-maray labada dhinac.

Is-maandhaafka ka dhashay xayiraadda Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa waxaa soo fara-geliyay taliska booliska iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana markii dambe la fasaxay gaadiidkii uu saarnaa guddoomiyaha oo keliya halka kuwii kalena la celiyay.

Dhanka kale, Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay ku andacootay inay ogolaansho u haysataan kaliya kolonyada Madaxweynaha Siomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka inay geli karaan garoonka, iyagoo aan la baarin, maadaama ammaankooda ay qayb ka yihiin Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM.

Ugu dambeyn, Aqalka Sare ayaa kulan deg-deg ah oo Arrinta Xayiraadda Guddoomiyaha uu ka yeeshay waxay ku cambaareeyeen falkaas tacadiga ah, waxayna ka dalbadeen AMISOM inay jawaab deg-deg ah ka bixiyaan.

PUNTLAND POST