Wadooyinkii Xirnaa ee Muqdisho oo dib maanta loo furay

Xili Dhowr cisho ay xirnaayeen wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa maanta wadooyinkaasi dib loo furay.

isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Muqdisho ayaa saaka guud ahaan dib loo furay Saakay oo Axad ah.

Gaadiidka Dadweynaha ayaa saakay si caadi ah u isticmaalaya wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Wadada Makka Al-Mukarama ee Muqdisho oo baryihii ugu dambeeysay ka caaganeyd Gaadiidka Dadweynaha ayaa saakay si caadi ah gaadiidka ay u isticmaalayaan.

Waxaa xusid mudan in wali ay yaalaan wadooyinka qaar ee Muqdisho haraadiga dhagxaan waaweeyn oo lagu xiray wadooyinkaasi.

Dhibaato weeyn ayeey shacabku ka muujinayeen wadooyinka xiran Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya labadii maalin ee ciida dadku samo iyo tamashleyn kuma ciidin wadooyinka oo xiran darteed.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho