Ra’isilwasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo u Amba baxay Nowray

Ra’isilwasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ka amba baxay garoonka Magaalada Muqdisho.

RW Kheyre iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin wasiiro ayaa u socdaalay Magaalada Oslo ee Dalka Norway.

Ra’isilwasaaraha ayaa halkaasi uga qeeybgali doono shir heerkiisu uu sareeyo oo sanadkiiba mar la qabto oo ay soo qaban qaabiso wasaarada Arimaha dibada ee dalka Norway.

Shirkaasi ayaa waxaa ka soo qeeybgalaya Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters.

Shirkaan ayaa ayaa bilaaban doono 19-ka bishaan ilaa 20-ka isla bishaan ayaa la soo gaba gabeeyn doonaa.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho