Muwaadiin Soomaaliyeed oo Dil iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya Magaaladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in Xalay Magaaladaas dil iyo dhaawac loogu geystay Muwaadiin Soomaaliyeed.

Sida ay xaqiijiyeen Ganacsatadda magaaladda,Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa geystay weerarka sababay dhimashadda iyo dhaawaca ee loo geystay labo Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu weeraray Dukaan ay ku sugnaayeen.

Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Abdullahi Mohamoud Mohamed (Abdullahi Tobaz), halka Midka kale ee la dhaawacay lagu magacaabo Max’ed Dheere.

Goobta uu weerarka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka magaaladda Cape Town,balse kuma aysan guuleysanin in ay gacanta ku dhigaan Ragii ka dambeeyay weerarka.

PUNTLAND POST