25 Qof oo lagu dilay qarax ka dhacay Afganistaan

Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay bariga Afghanistan kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday meel ay ciidamada dowladda joogeen.

Kooxda Taliban ayaa muddo inta lagu jiro Ciidda hakisay dagaalka ay kula jiro dowladda, waxayna shacabka fursada usiisey inay si nabad galyo ah u ciidaan, balse weerarkan ayaa waxa masuuliyaddiisa sheegtay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah.

Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa VOA u sheegey in dadka waxyeellada weerarkaasi ka soo gaartay ay isugu jiraan ciidamada Afghanistaan, maleeshiyaadka Talibaan iyo dad rayid ah oo farxadda ciidda u dabaal degayay.

Afhayeen u hadlay dowladda, Attaullah Khogyani, ayaa VOA u sheegey in weerarka uu ka dhacay duleedka Jalabalad, xarrunta gobolka Nangarhar.
Weerarkaasi ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay 30 kale.

PUNTLAND POST