Xildhibaanad Canab “Shacabka Laasacaanood Waxaa Lagu Hayaa Mid La Mid Ah Gumeysiga Falastiin”

Xildhibaanad  Canab Xasan Cilmi oo ah Xildhibaanad katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Kana soo jeedo Gobolka Sool ayaa ka hadashay xaaladaha ka taagan magaalada Laascaanood.

Xildhibaanad Canab ayaa sheegatay in dhibaatooyin lagu hayo shacabka Laascaanood loona adeegsaday Ciidamo Milatari ah.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in Dagaalka ka dhacay Tukaraq laga leeyahay dano siyaasadeed lana doonayo in dadka la Gumeeysto.

Xildhibaanada ayaa lamid dhigtay waxa ka socdo Laascaano Gumeeysiga lagu hayo shacabka Dulman ee Reer Falastiin.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka taagan xiisado u dhaxeeyo Shacabka iyo Ciidamada Soomaaliland baryihii ugu dambeeysay ayaa waxaa laga soo sheegayay dhibaatooyin ciidamada Soomaaliland ay u geeysanayaan shacabka Laascaanood.

Hoos ka dhageeyso Codka Xildhibaanada

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho