Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy oo Muqdisho ku kala saxiiday Heshiis

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho ayaa kala saxiiday heshiis ka kooban 16-qodob, kuwaas oo ay ku jiraan maal-gasho ay Itoobiya ku sameynayso Soomaaliya.

Qodobbada ugu muhiimsan heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah in itoobiya ay maal-gashanayso afar dekedood oo ku yaalla Somalia, si ay Itoobiya agabka ay dibadda kala imaanayso uga soo dagsato.

Sidoo kale, Heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in Itoobiya ay dhisayso jidad isku xiri doona labada waddan, waxaa kaloo ka mid ah heshiiskan in labada waddan ay xusheeyaan madax-bannaanidooda qarameed iyo midnimadooda, si looga gaashaanto mad-madow soo dhex-gala.

“Anigoo ku hadlaya magaca Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda, Waxaan kugu soo dhaweynaya Soomaaliya,Soomaaliya iyo Itoobiya,waxay wadagana taariikh,dhaqan,booqashadaada maanta waxay xoojinaysa xiriirka naga dhexeeya,majiraan wax kala qeybin kale walaaltinimada labada waddan,waa waajib ina saran in aan xaqiijinayo nabadda iyo horumarka labada dal,iyadoo loo marayo kobada dhaqaale iskaashi bulsho,waxaan doonayaa in aan halkani ugu mahadceliyo ciidamada militariga ee dalkaaga sida ay naftooda inoogu hureen in ay Soomaaliya ka caawiyaan ka hortaga cadowga Al-shabaab oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in labada waddan ay dhistaan guddiyo ka kala socda golayaasha wasiirrada, kuwaasoo daba-gal ku sameyn doona sidii loo meel-marin lahaa heshiisyada ay labada dhinac kala saxiixdaan.

Dhanka kale, Waxaa labada waddan ay ku heshiiyeen in la xoojiyo arrimo ay ka mid yihiin xiriirka dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee u dexeeya, kuwaas oo ay ku jiraan heshiisyo ay labada dhinac horay u kala saxiixdeen.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo wadigiisa oo ay booqashadoodu ahayd hal maalin ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo tani ay noqonayso booqashadii ugu horreysay oo uu Abiy Ahmed ku yimaado Xamar.

Ugu dambeyn, Qodobada heshiiskan ka mid ah oo aadka loo hadal hayo ayaa ah in Dowladda Somalia ay ogolaatay inay Itoobiya maal-gashato dekedaha Somalia iyadoo la ogyahay in horay ay dowladda Somalia uga hortimid heshiiskii Dekedda Berbera oo ay itoobiya saami ku lahayd.

PUNTLAND POST