Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo eedeyn u jeediyay beesha caalamka.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Camay ayaa weerar afka ku qaaday dadka loogu yeero wakiiladda beesha caalamka, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad u wareegaya danahooda gaarka, Islamarkaana aysan waxba ka bedeli doonin mowqifka Puntland ee ku aadan xoreynta Gobolka Sool.

Eng Camay ayaa ku eedeeyay wakiiladda beesha caalamka inay iska indho tireen dhibaatadda maamulka Somaliland uu u geysanayo shacabka Gobolladda Sool,Sanaag iyo Cayn wuxuuna sheegay inaysan beesha caalamku ka hadlin maalin qudha dibad baxyadda ka socda Laascaano iyo Deegaano kale kuwaas oo uu sheegay maamulka Somaliland inuu dhibaato ugu geystey shacab tiro badan.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Camay oo la hadlaya kumanaan qof oo uu salaadii Ciidul fidriga kula tukaday Garoonka Kubbadda Cagta ayaa ka codsaday inay ku garab istaagaan Ciidamadda iyo Dowladda Puntland dadaalka ay ugu jiraan soo celinta Laascaano iyo Deegaano kale oo iminka ay ka taliso Somaliland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST