Wasaarada Awqaafta iyo arimaha diinta Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay bari tahay maalinta ciida.
Sheekh Kheyroow Aadan oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Awqaafta Ayaa ku dhawaaqay in ay bari tahay maalinta ciida bishiina meelo badan laga arkay.
Mudane Kheyre ayaa sheegay in dad kala duwan ay la xariireen islamarkaasina bishii laga arkay Gobolada kamid ah dalka Soomaaliya.
dhinaca kale Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) Agaasimaha Diinta ee Wasaaradda Cadaaladda ayaa isna xaqiijiyay in bari ay tahay maalinta 1-aad ee ciidul Fitriga.
Muslimiinta ku Nool Dunida ayaa Bari u dabaaldagi doono Maalinta 1-aad ee ciidul Fidriga kadib 29- Maalmood oo ay soo soomanaayeen.
Ciid Wanaagsan
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho