Rabshado ka dhacay Laascaanood iyo Puntland oo ka hadashay

Isbitaalka manhal, Laascaanood

Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka dhacay rabshado sababay in dad shacab ah ku dhaawacmaan.

Inta la qiijiyaya labo dumar ah ayaa dhaawacmay, kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay raasaas ku fureen suuqa weyne ee magaalada Laacaanood.

Rabshadaha ayaa bilowday sida ay xaqiijiyeen goob-joogaal kadib markii ay is af-dhaafeen ciidan ka tirsan Somaliland oo suuqa ka adeeganayay iyo wiil dhalinyaro ah oo watey baabuur nooca raaxada ah, waxaana halkaas ka dhashay gacan qaad iyo dhagax tuur ay sameyeen dad shacab ah, kadib ciidamada Somaliand ay furay raasaasta ay ku dhaawacmeen labada dumar ah.

Dhaawaca labada dumarka ah ayaa la geeyay Isbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood, xaalada magaalada oo galinkii hore kacsanayd ayaana haaatan dagan.

Dhanka kale Guddiga difaaca Puntland ayaa ka hadlay rabshahada ka dhacay Laascaanood, waxayna ku eedeeyeen Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdulahi Axmed Xirsi (Timacade) ayaa sheegay in shacabka Laascaanood ay dhaawaceen askari ka tirsan ciidamada Somaliland sidoo kale ay ka furteen gori AK47 ah.

Sidoo kale Wasiir Timacade ayaa sheegay in Somaliland ay diiday dhaawacii labada dumarka in xaalad caafimaad loogu soo qaado Garowe, ilaa iyo hadana ay ku heystaan magaalada Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayaa maalmihihii ugu danbeeyay laga dareemayay xaalad kacsanaan, waxaana magaalada lagu dhex arkayaa dad shacab ah oo hubeysan.

PUNTLAND POST