Madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqay in Bari ay tahay Ciid

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa shaaciyey in maalinimada berrito ay tahay ciid, hambalyona u diray ummada Muslim ka ah iyo shacabka Soomaliyeed munaasibada ciidul Fidriga darteed.

Madaxweynaha ayaa si gaara ula wadaagey farxada ciidul fidriga shacabka reer Puntland meelkastay joogaaan, waxaana u dhammaantood ilaahay uga baryey inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo farxad, caafimaad qab, nabad gelyo, horumar iyo wadajir.

“Ciid Mubaarak, ciid wanaagsan dhamaantiin meelkasta aad joogtaan, waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo shacab weynaha Soomaaliyeed bilashada ciida soonfur gaar’ahaan shacab weyanha Puntland meelkasta oo ay joogaan, mid difaac ku jira, mid nabad gelyada ilaalinaya, mid sharwadayaasha dalka ka ilaalinaya, meelkasta aad joogtaan waan idin salaamayaa, waan idiin hambalyeeynayaa hadaad culimo tihiin, haday dhaqan yihiin, haday dhalin yaro yihiin, haday dumar yihiin, dadka Puntland meelksta ay joogaan, waxaan leeyahay sandka sandkiisa barwaaqo ku gaara, kugaara wadajir, kugaara midnimo, ku gaara inaad dalkiina difaacataan, Alle hanaga aqbalo acmaasha aan sameeysanay bishii Ramadaan meelkasta aad joogtaaan, waxan idin leeyahay Hamblyo caafimaad  Alle ha’idinku gaarsiiyo nabad gelyo Guul, Midnimo iyo Horumar ayaan idiin rajeeynayaa, Waad Mahadsan tihiin”Ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ugu Danbeyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si gaara hambalyo ugu diray ciidanka qalabka sida ee Dawladda Puntland, kuwaas oo uu xusay inay yihiin kuwa sugaya amaankeena xiliga aan gudanayno waajibaadka Alle ina faray

   =Dhammaad=

PUNTLAND POST